Allbanaadir.com
NEWS

NISA oo shaacisay iney fashilisay qarax lagu aasay Suuq mashquul badan (Sawirro)

Taliska Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa  Howlgal Qorshaysan oo ay ka Fuliyeen Xaafada Mursal ee Magaalada Baydhabo waxay ku soo  saareen Miino.

Waxaa laga helay miinadan Isgoyska suuqa Mursal  oo lagu aasay.

“Khawaarijta waxay ku doonayeen miinadan inay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku Ganacsada Isgoyska Suuqa Mursal oo Miinada ay ku aaseen” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA.

Saraakiisha NISA ayaa sheegay iney ku raad joogaan shaqsiyaadkii ka dambeeyey miinadaas la fashiliyey.

Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa sheegay iney wadaan Dadaalo ay ugu jiraan sidii ay u badbaadin lahaayeen Nafta iyo Maalka Shacabka Soomaaliyeed sida ay sheegeen qoraalka.

 

Related posts

Xildhibaanadii ka tanaasulay Mooshinka oo weli eedeyn la daba jooga Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali

Daawo:- Qodobada ugu muhiimsan ee la isku mari waayey Shirkii Muqdisho & Warar kale

Caydiid Ali

Xildhibaanada Galmudug ee Cadaado oo doortay Madaxweyne cusub (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---