Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Milateriga Israel oo meydadka shan la heyste ka soo helay God ku yaalla Gaza

Ciidamada Israa’iilayaa shaaca ka qaaday xog cusub oo ku saabsan shabakad dhulka hoostiisa mara ee Xamaas oo ay ciidamadu sheegeen inay dhawaan burburiyeen ka dib markii la helay maydadka shan qof oo Israa’iili ah oo la qafaashay.

Iyadoo la tixraacayo hawlgalladii ugu dambeeyay ee dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay “aagga xerada Jabalya,” Israel ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay soo bandhigtay shabakad istiraatiiji ah oo tunnel ah oo u adeegi jirtay Xarunta Waqooyiga Xamaas ee Gaza.

Godka ama Tunelka  oo leh wadooyin badan, ayaa loo adeegsaday hagida dagaalka iyo dhaqdhaqaaqa weerarada sida ay sheegtay Israel

“Godkan laga helay meydadka wuxuu ahaa hoyga Taliyaha Guutada Waqooyi ee Xamaas,” Axmed Ghandour” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay Israel.

IDF waxay horey u aqoonsatay Ghandour inuu yahay qofka hormuudka ka ah qorsheynta iyo fulinta 7da xasuuqii Oktoobar ” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka Israel

Bayaankooda waxay ku sheegtay oo kale in shabakadda dhulka hoostiisa ee ay adeegsato Xamaas ay sidoo kale hoos martay iskuul iyo isbitaal. hase ahaatee si madaxbanaan looma xaqiijin karo sheegashadan

Ka dib markii la helay meydadka la haystayaasha – Ziv Dado, Eden Zecharya, Ron Sherman, Nik Beizer iyo Elia Toledano – la helay, Israel ayaa sheegtay inay burburisay godkaas dhulka hoostiisa ah ee laga soo helay.

Related posts

Somalia oo loo ansixiyay muddo kadib dhaqaale looga jawaabayo COVID-19 & Warar kale

Caydiid Ali

Xildhibaan soo lebistay dharkii Hitler oo Baarlamanka dalkiisa soo fariistay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Rasaas la maqlayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---