Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Madaale oo saxiixay Miisaaniyada Gobolka Banaadir & xeer cusub (Sawirro)

Guddoomiyaha  Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta saxiixay Miisaaniyadda sanadka cusub ee 2024 iyo xeerka Nidaaminta Maaliyadeed ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa madasha ka sheegay in Miisaaniyadda iyo xeerka Nidaamka Maaliyadeed ee Hanaanka hufan (PFM system) uu wax weyn ka tarayo daah-furnaanta iyo isla xisaabtan dhab ah, asigoo ka codsaday Mas’uuliyiinta in ay ansixiyaan.

Mas’uuliyiinta Madasha ku sugnaa ayaa codad gaaraya 88-cod ku Ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2024 iyo xeerka Nidaamka Maaliyadeed ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana diiday 7-xubnood, halka 4-xubnood ay ka aamuseen.

Munaasabadda Ansixinta Miisaaniyadda Maamulka Gobolka Banaadir ee 2024, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Agaasimeyaasha Guud, Agaasime waaxeedyada, La-taliyeyaal iyo Garyaqaanka Maamulka Gobolka Banaadir.

Related posts

Nin Waxyaabaha Maanka- dooriya oo badan heestay oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Puntland oo shaacisay jadwalka doorasho qof & cod ah oo ka dhaceysa 3 degmo

Caydiid Ali

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo la dalacsiiyey darajooyin ciidan (Sawirro)

Caydiid Ali