Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo soo saartay Erey bixinta Af Soomaaliga ee Urur goboleedka EAC

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay dhammaan hay’adaha dowladda iyo warbaahinta la wadaageysa erey bixinta Af Soomaaliga ee saxda ah ee loo adeegsanayo Ururka EAC ee aan bishii November 24keedii ku biirnay, isla markaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud uu 15 December uu heshiiska ku biiritaanka rasmiga ah uu ku saxiixay magaalada Entebbe ee dalka Uganda.

Wasaaradda Wargaafinta ayaana sheegtay in erey bixinta saxda ah ay noqoneyso Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika , waxaana loo soo soo gaabin karaa Urur Goboleedka Bariga Afrika.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ayaana lagu faray dhammaan mas’uuliyiinta hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo warbaahinta inay sidaa u adeegsadaan marka ay qorayaan ama ka hadlayaan urur goboleedkan aan dhowaan ku biirney.

Soomaaliya ayaana si rasmi ah uga mid noqotay Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, waxa ayna Soomaaliya ku biiritaanka ururkan ka heli doonaan faa’iidooyin badan oo dhinaca ganacsiga iyo socdaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dad nool oo todobaad ka dib laga soo saaray burburka & dhimashada oo gaartay..

Caydiid Ali

Mid kamid ah Wasiiradii uu Magacaabay Madaxweynaha K/Galbeed oo Caawa is casilay

Cabdi Cade

AMISOM oo laga dalbaday iney la socoto dhaqdhaqaaqa Ciidamada dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---