Allbanaadir.com
NEWS

Dad ay Soomaali ku jiraan oo lagu xir xiray magaalada Nairobi iyaga oo Shiishad cabaya

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa xabsiga u taxaabay dad badan ay ku jiraan Soomaali, kuwaa oo laga soo qab qabtay goob la sheegay in la isugu tago laguna cabo maandooriyaha shiishada loo yaqaan.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay in ciidamada ammaanka xabsiga dhigeen dad ka badan 20-qof oo la qabtay iyaga oo shiishad cabaya, waxa ay sidoo kale ciidamada la wareegeen 117 xabbo oo dhalooyinka shiishada laga dhuuqo.

Howlgalkan lagu soo qab qabtay dadka shiishada cabayay ayaa labo habeen kahor ka dhacay goob ku taalla xafadda Kilimani ee magaalada Nairobi, waxaana goobtan isugu tagi jiray dadka aadka u caba shiishada.

Maamulaha guud ee hay’adda Kenya u qaabilsan la dagaalanka maandooriyaha  Anthony Omerikwa ayaa hoggaaminayay howlgalka ka dhacay beerta Yejoka oo ku taal xaafadda Kilimani , oo ah goob caan ah oo ay isugu yimaadaan dadka isticmaala Shiishada.

Dadka ay xir xireen ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa waxaa ku jiray dhallinyaro Soomaaliyeed oo isugu jiray wiilal iyo gabdho, waxaana dadkan xilliga la qabanayay ku howlanaayeen cabista shiishada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirweyne ka furmay Paris (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wiil dhalinyaro ah oo isku daldalay Magaalada Burco iyo baaritaano socda

Caydiid Ali

Marxuum Sacad Cumar Geelle oo Jabuuti lagu aasay & Muuse Biixi oo ka qey galay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---