Ciidamada milatariga Israa’iil ayaa duqeymo culus oo arxan-darro ah saacadihii lasoo dhaafay ku garaacday xerada qaxootiga ee Al-Maghazi oo ku taalla bartamaha Marinka Qaza ee dhulka Falastiin.
War kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ee maamulka Xamaas ayaa lagu sheegay in duqeymaha ciidamada Israa’iil ka geesteen xerada Al-Maghazi lagu dilay 70-qof oo shacab ah ,sidoo kale lagu dhaawacay tiro kale oo badan.
Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka maamulka Xamaas ayaa sheegay in duqeymaha lagu garaacay xerada qaxootiga uga sii dartay xaalada Gaza, waxa uuna xusay in ay sii kordheen tirada shacabka lagu laayay magaalada Gaza.
Milatariga Israa’iil ayaa dhankooda war kasoo baxay waxa ay ku sheegeen in ay eegayaan warka sheegaya in dad badan oo shacab ah ku dhinteen duqeynta ka dhacday xerada Al-Maghazi ee kutaalla Gaza.
Ciidamada Israa’iil ayaa xasuuq ba’an ka geestay magaalada Gaza, tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya kooxda Xamaas iyo Israa’iil 7-dii bishii October, waxa ayna Israa’iil bur buriyeen inta badan daarihii ku yaallay magaalada Gaza.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com