Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qoysas ku go’doomay fatahaadaha Jubbaland oo la soo samata bixiyey (Sawirro)

Qoysas caruur iyo haween u badan oo muddo laba maalin ah ku go’doonsanaa fatahaad saameysay degaano hoos taga degmada Jamaame ayey ciidamada Jubaland soo badbaadiyeen.

Xubno isugu jira Xildhibaano heer Federaal ah, Wasiiro ka tirsan Jubbaland, siyaasiyiin, Lataliyaal sare aqoonyahano iyo masuuliyiin kale ayaa socdaal ku tagay degaanada waqooyi ee gobolka Jubada hoose gaar ahaan deegaanada hoos taga degmada Jamaame oo ay qoysas badan ku go’doonsanaayeen.

Ciidamada oo isticmaalaya doonyo iyo qalab kale ayaa deegaanada ay sida daran u saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha ka soo badbaadiyey qoysas la arkay iyagoo go’doon kujira ka dib markii ay qabatay Camerada Dronka ah oo lagu baadi goobayay dad badan oo lala yahay maadama dhulku howd yahay biyo badana ay fadhiyaan.

Saraakiisha qeybaha kala duwan ee Ciidamada Jubbaland ayaa door weyn ka qaatay samata bixinta dadka danyarta ah ee go’doonka ku jiray.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo wajahaya hubaal la’aan awooddiisa dowladnimo & Khayre iyo Fahad Yaasiin oo…

admin

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag uga fal celiyay Warkii kasoo yeeray Gudoomiyaha Aqalka Sare

Cabdi Cade

Xildhibaan taageeray Weerarkii lagu qaaday Masjidyo kuyaala New Zealand oo talaabo laga qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---