Ciidamo isku-dhaf ah oo ka kala socday Booliska, Nabad-sugidda iyo Xafiiska Gudoomiyaha degmada Doolow ayaa ku guulaysatay kala-qaadista maleeshiyooyinka labo beelood oo ku dagaalamay degaanka Kamorow.
Saraakiisha kala duwan ee laamaha amniga iyo madax kale oo safar ku tagay degaanka Kamoorow iyo degaano kale oo hoos yimadda Degmooyinka Doolow iyo Beled-xawo ayaa kala dhex galay labo beelood oo habeen ka hor ku dagaalamay deegaanadasi.
Dagaalka beelaha ah ayaa ka bilowday muran ka dhashay jarista dhirta deegaanka kaasoo markii la isku fahmi waayey isku bedelay gacan ka hadal.
Masuuliyiinta amniga iyo Maamulka Doolow oo la kulmay odayaasha deegaanka Kamorow ayaa u sheegay in arrinta Guddi loo saari doono, dadkii  dhibaatooyinka meesha ka dhacay ka dambeyayna sharciga la hor-keni doono.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA