Ciidamada amniga dowlada Somalia ayaa Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay nin burcad ah, halka mid kale oo dhaawac ahna gacanta lagu dhigay.
Arrintan ayaa ka dhacay agagaarka masjidka Xareed ee Suuqa Bakaaraha, waxayna Ciidamadu toogteen ninkan oo bistoolad ku hubeysnaa, waxaana la dhaawacay askari la socday oo ku lebisnaa dharka ciidamada milateriga oo la qabtay.
Goob joogayal ayaa sheegay in ciidamada amnigu isku dayeen markii hore iney qabtaan labada nin hase alaatee la toogtay markii ay bilaabeen iney isku difaacaan hubka ay wateen.
Ninka maanta la toogtay ayaa lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa Burcad muddooyinkii dambe falal dhac ah ka waday suuqa Bakaaraha, iyadoo ay ku daba jireen ciidanka ammaanka.
Meydka ninka la dilay iyo askariga la dhaawacay ayaa la geeyay xarunta CID-da, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee ciidamadu tallaabo ka qaadaan burcadda faraha ba’an ku heysa suuqaasi.
Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili maalmo ka hor ganacsatada suuqa bakaaraha ay qeylo dhaan xoogan ka soo saareen dhac joogto ah oo ay suuqa ku hayaan rag burcad ah oo hubeysan, iyagoo dowlada ugu baaqay iney arintaas wax ka qabato.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com