Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada ciidamada XDS oo riday xukuno iskugu jira dil iyo xabsi (Sawirro)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60aad, ayaa Maanta Xukunno kala duwan ku ridey askar katirsanaa Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Askartan ayaa waxa lagu helay falal la xarriira dhac iyo dil ay ka geysteen Magaalada Baydhabo xaafado ka tirsan Al-shabaab

Muxyadiin Cali Cabdullaahi, ayaa Maxkamaddu ku xukuntey Dil toogasho ah taasoo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Nuur Salaad oo ahaa Ardey dhigta Iskuulka Al Qalam ee Magaalada Baydhabo.

Shuceyb Cali Mursal ayaa isna lagu Xukumey 10 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60aad Gashaanle Sare Sheekh Aadan Abuukar Maxamed, ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ka soo baxay.

Gacan ku dhiiglaha ayaa isla maanta waxay ku fulisay xukunka dilka ah ee lagu riday.

HOOS KA DAAWO VIDEO IYO SAWIRRO

Related posts

Madaxda cusub ee Puntland oo si rasmi ah xilka loogu wareejiyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir isaga oo Cunigiisa xambaarsan ka qeyb galay shir iyo hadal heyn ka dhalatay

Cabdi Cade

Kontaynaro ay ku jiraan bur xumaaday oo lagu qabtay dekeda Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---