Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xasuus Qaran Oo Loo Samaynayo dadkii Soomaaliyeed Ee Lagu Dilay Weerarkii Soobe

Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay dhibaatadii xanuunka iyo muragada badnayd ee ka dhalatay weerarkii argagaxiso ee 14 October 2017 lala eegtay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Xunbaha golaha wasiirrada ayaa falanqayn kadib waxa ay isku raaceen in xasuus qaran loo sameeyo dadkii ku dhintay weerarkaas arxan darrada ahaa, iyo in la caawiyo dadkii ku dhaawacmay, eheladii dadkii wax ku noqday iyo dadkii ku hanti beelay.

Kulankaan oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuled (Khadar) ayaa sidoo kale looga dooday in maalinta 14-0ctober loo aqoonsado maalin qaran oo lagu xasuusto dhammaan dadka ku dhibaatoobay qaraxyada kala duwan ee kooxaha argagaxisada ah ay dalka ka gaysteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Amnesty International oo eedeymo culus u jeedisay Maamulka Somaliland

Caydiid Ali

Dowlada Kenya oo Suuq cusub u raadineysa Qaadkii la keeni jiray Somalia

Caydiid Ali

AIPAC oo lacag ku bixineysa sidii Ilhan Cumar meesha looga saari lahaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---