Allbanaadir.com
NEWS

Shirweyne lagu badbaadinayo Puntland oo looga dhawaaqay Garoowe

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka tirsan odayaasha dhaqanka ee ugu saameynta bada Puntland ayaa ku baaqay in ay shir deg deg ah isugu yimaadaan dhammaan isimada Puntland si looga arrinsado xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay go’aankii SSC-Khaatumo kaga baxeen doorashada Puntland.

Qoraal uu soo saaray Boqor Burhaan Boqor Muuse ayuu ugu horrayn ku soo dhaweeyay Go’aankii Isimada SSC-khaatumo.

“Waxaan soo dhaweynayaa oo ku ixtiraamayaa go’aankii Isimmada SSC-Khaatumo ay ka gaareen aayahooda. Waxaan shacabka Puntland ugu baaqayaa inay is dejiyaan, waxaan  rajeynayaa inaysan wax dhib ah dhaceyn” ayuu yiri Boqor Burhaan.

Boqorka ayaa sababeeyey arrimaha keenaya in la qabto shirka uu ku baaqay.

“Maadaama xaaladda guud ee dalku is beddeshey taas oo ku timid si degdeg ah, isla markaana ku beegantey wakhti xasaasi ah.  Waxaan ku baaqayaa in Isimmada Puntland shir degdeg ah isugu yimaadaan si looga tashado aayaha puntland” ayuu sii raaciyay Boqorka.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa sidoo kale dowladda iyo siyaasiyiinta Puntland ugu baaqay in ay meel iska dhigaan Khilaafaadka islamarkaana u midoobaan badbaadinta Puntland.

Related posts

Raisul Wasaare Johnson oo caawa loola cararay Isbitaal ku yaalla London

Caydiid Ali

(Sawirro) Qaraxyo lala beegsaday xarumo Waxbarasho oo ku yaalla Magaalada Kabul

Caydiid Ali

Dowlada Indonesia oo si kulul u beenisay hadal ka soo yeeray madaxda Israel

Caydiid Ali