Wasiirka Hawlaha Guud Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa kulan la qaatay dhigiisa Dalka Tunisiya Sarratt Zaafrani Zenzri.
Kulanka labada Wasiir ayaa diirada lagu saaray sidii ay iskaashi uga yeelan lahaayeen Tunisia iyo Somalia arrimaha dhaqaalaha, maalgeshiga amniga iyo xoojinta xiriirka labada dowladood.
Kulankan labada Wasiir ayaa ku soo beegmay iyadoo uu socdo Kalfadhiga 40aad ee Golaha Wasiirada Guryeynta iyo Dhismayaasha ee Wadamada Carabta uu oo Shirkoodii 5aad uu sanadkan ka dhacay wadanka Liibiya oo marti gelisay.
Shirkan Wasiirada Guryeynta iyo Horumarinta wadamada Carabta ayaa intuu socday waxa lagaga dooday sidii shaqaalaha Dowladaha u shaqeeya u heli lahaayeen Guryo tayo fiican leh iyadoo lays kaashanayo.
Waxaa sidoo kale halkaas looga hadlayaa sidii sidii Guryo Qiimo Jaban loogu heli lahaa Shacabka danta yar ee aan awoodin iney kiraystaan ama iibsadaan guryaha qaaliga ah.
Wasiir Ismaaciil Abdirahman Bashir iyo hawl-wadeenada Wasaaradda Hawlaha Guud ee DFS ayaa sheegay iney dadaal ugu jiraan in dalkeena laga hirgeliyo Mashaariic lagu dhisayo guryo iimo jaban (Low Cost Housing) oo ah Standard-ka ay isla qaateen Wasaaradaha Hawlaha Guud ee Wadamada Carabta.