Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa soo dhoweeyey go’aankii shalay ka soo baxay odayaasha SSC oo aha iney ka baxeen maamulka Puntland ayna yihiin maamul gaar ah
“Ma jiri doono qof deegaannada SSC-Khaatumo ka soo jeeda oo ka qaybqaadan doona doorashooyinka loo madlan yahay ee Dawladda Puntland, sidoo kale ma jiri doonaan cid SSC-Khaatumo ku meteli doonta goleyaasha Maamulka Puntland” ayuu yiri hogaamiyaha.
Waxaa uu ku baaqay in shacabka SSC lagu ixtiraamo rabitaankooda. “Cid walba waxaan ugu baaqayaa in ay ixtiraamaan go’aanka iyo rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo” ayuu intaas ku daray
“Shacabka labada Maamul ee Puntland iyo SSC-Khaatumo waxaa ka dhexeeya xidhiidh aad qotodheer kaasoo aanu markasta xoojin doonno” ayuu sidoo kale yiri Firdhiye.
Isimada dhaqanka SSC-khaatumo ayaa ku dhawaaqay inaysan gebi ahaanba qayb ka ahayn arrimaha doorashada Puntland ee 2024.
Go’aan rasmi ah oo ka soo baxay isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa lagu caddeeyay inaysan xuli doonin 17-kii xildhibaan ee Baarlamanka Puntland laga soo dooran jiray degaannada SSC.
Golaha isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale go’aamiyay in aysan cid ka soo jeeda degaankooda u tartami karin doorashada soo socota ee 2024 madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Isimada ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha ka tirsan guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ee ka soo jeeda SSC in ay xilka iska casilaan.
Waxay sheegeen in ay dhisteen maamulka SSC-Khaatumo oo ay ka madax-bannaan yihiin Puntland islamarkaana ka qayb gali karin doorasho maamul kale.