Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Israa’iil oo weerartay labo guri kuna dishay in ka badan 90 reer Falastiin ah (Sawirro)

In ka badan 90 falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan tobanaan qoys oo caruur iyo ciroole leh ayaa lagu dilay duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ku qaadeen laba guri oo ku yaalla Qaza, maalin kaddib markii ay Q.M. sheegtay inaysan jirin meel nabdoon oo dhulka ah iyo in weerarka Israa’iil uu ku abuurayo caqabado waaweyn” qaybinta gargaarka bini’aadanimo.

Madaxweyne Joe Biden ayaa Sabtidii la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu maalin ka dib markii maamulka Biden uu mar kale Israa’iil ka difaacay saaxadda diblomaasiyadda.

Jimcihii, Golaha Ammaanku waxa uu ansixiyay qaraar ku baaqaya in si degdeg ah loo dedejiyo gargaarka la gaarsiinayo dadka rayidka ah ee quusta ka taagan Gaza, balse aan xabbada la joojin

“Ma codsan xabbad-joojin,” ayuu Biden ku yiri Netanyahu oo dhankiisa sheegay in Israa’iil ay sii wadi doonto dagaalka ilaa ay ka gaarayso dhammaan ujeedooyinkeeda.

Sidoo kale Sabtidii, millatariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadu ay qabteen boqolaal qof oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Xamaas

Ciidanka ayaa sheegay in in ka badan 700 oo qof oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin kooxaha Xamaas iyo Islamic Jihad ilaa hadda loo diray xabsiyada Israa’iil.

Hadalka ciidanka ee ku saabsan xariga ayaa daba socday warbixino hore oo sheegaya in la soo uruuriyay wiilal iyo rag dhalinyaro ah oo laga keenay guryo, iyo isbitaalo ku yaala waqooyiga Qaza. Qaar ka mid ah maxaabiista la sii daayay ayaa sheegay in laga siibay nigisyadii ay xirnaayeen, lana garaaci jiray.

Israa’iil ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dib markii dagaalyahannada Xamaas ay soo weerareen xuduudka 7dii Oktoobar, Waxaa la dilay ilaa 1,400 oo qof iyadoo la qafaashay ilaa 240 kale, In ka badan 20,000 kun oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay dagaalka Israa’iil ee lagu burburinayo Xamaas in ka badan 53,000 oo kalena waa lagu dhaawacay, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee Gaza, oo ah dhul go’doonsan.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa fiidnimadii xalay sheegtay in 201 qof la dilay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Duqeymaha cirka ayaa shalay dhulka la simay laba guri oo uu ku jiro mid ku yaalla magaalada Gaza, halkaasoo lagu dilay 76 qof oo ka tirsan qoyska Al-Mughrabi, iyadoo weerarkan uu noqonayo midkii ugu khasaaraha badnaa ee dagaalka, ayuu yiri Mahmoud Bassal, oo ah afhayeenka waaxda difaaca shacabka ee Gaza.

Dadka la dilay waxaa ka mid ah Issam al-Mughrabi, oo ahaa ruug-cadaa u shaqaynayey Barnaamijka Horumarinta QM, xaaskiisa, iyo shan carruur ah oo ay dhaleen.

Weerar kale ayaa lagu weeraray guriga Mohammed Khalifa, oo ahaa wariye ka tirsan TV maxalli ah, kaasoo lagu dilay isaga iyo ugu yaraan 14 kale, sida ay sheegeen saraakiisha Isbitaalka Shuhadada ee Al Aqsa halkaasoo meydadka loo qaaday. gurigan ayaa ku yaal xerada qaxootiga  magaalada Nuseirat.

Israa’iil ayaa ku eedaysay Xamaas in ay mas’uul ka tahay tirada dhimashada badan ee dadka rayidka ah, iyada oo sabab uga dhigaysa in dagaalyahannada ay adeegsadeen aagagga dadku ku badan yahay iyo tunnelyada.

Hase ahaatee Xamaas ayaa sheegtay in ciidamada Israel ay beegsanayaan goobaha shacabka, marka khasaare badan lagu gaarsiiyo goobaha dagaalka.

Weerarka Israa’iil waxa uu ahaa mid ka mid ah ololihii millatari ee ugu khasaaraha badnaa taariikhda dhow, isaga oo barakiciyay ku dhawaad ​​85% dadka 2.3 ee Gaza ku nool, waxa uuna dhulka la simay dhul ballaaran.

In ka badan nus milyan qof oo ku nool Gaza – rubuc ka mid ah dadka ayaa gaajo u dhimanaya, sida lagu sheegay warbixin toddobaadkan ka soo baxday Qaramada Midoobay iyo hay’ado kale.

Magaalada Khan Younis ee koonfurta dalka ku taal, rag marayey burburka dhismeyaasha ayaa isku dayey inay ka eryaan bisadaha quudanayey meydad ku hoos jira oo la awoodi waayey in la soo saaro.

Afhayeenka ciidamada Israel, Rear Adm. Daniel Hagari, ayaa sheegay in ciidamada ay ballaarinayeen duullaanka ay ku hayaan waqooyiga iyo koonfurta Gaza, ciidamadana ay ka dagaalamayaan “goobaha adag” ee Khan Younis.

Related posts

Madaxweyne Xaaf oo ku dhawaaqay hadal ka farxiyay shacabka iyo madaxda Galmudug

Cabdi Cade

Dowladaha Somalia iyo Eritrea oo Heshiisyo kala Saxiixday (Akhriso)

Cabdi Cade

Trump oo amaan fara badan huwiyey dhigiisa Turkiga iyo sababta keentay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---