Allbanaadir.com
NEWS

Wanaaga Somalia ma wuxuu ku jiraa in dalku yeesho laba Xisbi Siyaasadeed?

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud ayaa aragti ahaan go’aansaday inuu isbedel waxtar leh ku sameeyo hanaanka doorashada dalka, isaga oo doonaya inuu dalka ka hirgeliyo sidii uu u yeelan lahaa laba xisbi siyaasadeed oo waaweyn, wuxuuna madaxweynuhu ku tilmaaman yahay inuu yahay hogaamiye aan go’aankiisa si sahlan uga tanaasulin, waxeyna taas ay heybadiisa gaarsiisey guul uu uga gungaaro hadafyadiisa siyaasadeed oo inta badan ka turjumaya wanaaga guud ee maslaxada ummadda.

Caalamka waxaa ka jira saddex nuuc oo salka ku haya hanaanka doorashada lagu galo xisbiyada, kuwaas oo kala ah: hanaan ku dhisan hal xisbi keliya; hanaan ku dhisan laba xisbi; iyo hanaan ku dhisan xisbiyo badan, waxeyna jiritaankoodu ay ku kala haboon yihiin sida fudud ee adeegsigooda uu uga shaqeynayo nidaamka u degsan dhismaha dowladnimo ee uu dalku leeyahay, kuwaas oo mid walba uu si gooniya u cabirayo mabda’ ay madaxdoodu ku kala hogaaminayaan dadkooda, taas oo saameyn ku leh deriskooda iyo deegaan siyaasadeedkooda.

Wadamada leh halka xisbi waxey u badan yihiin kuwa xaga bulshada, dhaqaalaha, iyo siyaasadda ka soo koraya oo dhaqanka dowladnimada aysan dadkoodu aqoon durugsan u lahayn ama aysan dowladnimadoodu wakhti dheer soo jirin, waxeyna madaxdoodu inta badan doorbidaan iney dalka ku xukumaan kelitalisnimo ay mudooyin badan ku nagaadaan haynta talada dalka, waxaana astaan u ah xukunka oo xoog lagu haysto, la iskana dhaxlo iyo doorasho beenabuura oo ay madaxdu iskood isugu soo doortaan, iyagoo adeegsanaya mabda’yo kala duwan sida diin ama shuuciyad ama isir ama boqortooyo ama dimoqaradiyad beenabuura.

Wadamada ku dhaqma adeegsiga laba xisbi siyaasadeed oo waaweyn ayaa ah kuwa horumarka siyaasadeed ay dadkoodu ilbaxnimo uga gaareen heerka ugu sareeya ee dunida maanta joogta, waxeyna isku doortaan habraaca siyaasadeed ee salka ku haya dimoqaradiyada horumarsan, waxeyna leeyihiin hanaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, waxeyna dadku ku soo koobaan aragtidooda siyaasadeed laba jiho oo mid walba uu leeyahay aragtiyo isdhaafsan oo hal jiho ku mideysan, kuwaas oo u dhigma xisbiyo badan oo guud ahaan ku midoobey hal aragti xisbi.

Wadamada sida xooggan u isticmaala hanaanka xisbiyada badan waxey u badan yihiin kuwo meel dhexdhexaada ka jooga aragtiyada hantigoosadka iyo hanti wadaaga, waxeyna dadka aaminsan yihiin aragtiyo aad u kala fog oo tiro beel ah sida, kuwo raacsan diinta, nasabka, deegaanka, shaqaalaha, arrimaha bulshada, maalqabeenimada, wadaniyada, shuuciyadda, dimoqaradiyada, jinsiga, iyo kuwo kale, waxeyna wadamadaas caanka ku yihiin haysashada hanaanka baarlamaanka, kuwaas oo ah wadamo jiritaankoodu fac weyn yahay oo ay nidaamyo badan soo mareen.

Jiritaanka laba xisbi siyaasadeed oo waaweyn waxey caan ku yihiin in mid walba uu ka kooban yahay aragtiyo xisbiyo badan oo ku soo uruursan hal jiho, kuwaas oo mid walba uu ka turjumayo meesha uu uga jiro xisbiga oo isla xisbiga ay kaalintoodu kala tahay bidix, midig ama dhexdhexaad, kuwaas oo guud ahaan aragtida jihada siyaasadeed ka wada mideysan, wuxuuna xisbi kasta yahay isbaheysi ay siyaasad ahaan ku wada midoobeen xisbiyo badan, kuwaas oo xisbi walba dhexdiisa uu ugu kala qeybsan yahay aragti kooxeedyo siyaasadeed.

Wanaaga ay leeyihiin jiritaanka laba xisbi siyaasadeed oo waaweyn oo ah heer qaran ayaa waxey tahay iney doorashada ka dhigayaan mid sahlan oo ah doorasho laba midkood loo kala codeynayo, waxeyna taas awood u siineysaa madaxweynaha la doorto inuu dalka ku hogaamiyo degenaansho siyaasadeed oo dalka u horseeda koboc dhaqaale iyo horumarinta arrimaha bulshada, taas oo xukunka dalka ka dhigeysa mid jihadiisu mideysan tahay oo dadku ay ku mideysan yihiin raacsanaanta hogaanka madaxweynaha oo aan lahayn jahwareer kooxeysan.

Tartanka labada xisbi waxaa ka dhalaneysa inuu mid si aqlabiyad leh uu ugu guuleysto codbixinta shacabka, waxeyna taas dalka awood u siineysaa inuu yeesho hogaamiye xooggan oo xilkiisa uusan marnaba dood geli karin, waxaana sidaas ku abuurmaya xisbiga madaxweynahiisu guuleysto oo noqonaya xisbiga talada dalka haya, waxaana taas barbar socda xisbiga inta badan kuraasta baarlamaanka yeesha oo noqonaya xisbiga ah laandheeraha, meesha xisbiga  kuraasta baarlamaanka looga tirada badan yahay uu noqonayo laangaab ah mucaarad.

Inkasto madaxweynaha uu ka soo jeedo hal xisbi siyaasadeed oo weyn ayaa haddana doorashada madaxweynaha aysan ahayn mid ku saleysna rabitaan xisbi, taas oo ah inuu ka madaxbanaan yahay tartanka u dhexeeya iska soo horjeedka xisbiyada, waxeyna dadka u codeynayaan madaxweynaha ay jecleystaan waxqabadka aragtidiisa siyaasadeed, iyagoon u fiirin xisbiga ay ka tirsan yihiin iyo xisbiga uu ka tirsan yahay, waxeyna maslaxada guud ka dhex fiiriyaan marxaladaha siyaasadeed ee dadka iyo dalka uu ku jiro iyo cida ay u arkaan iney horumarintooda sameeyn karto ama dhibaatada haysata ka samato bixin karta.

Hanaanka ku dhisan labada xisbi wuxuu niyada ka jebinayaa oo uusan dhiirogelineyn jiritaanka xisbiyo yar yar oo tiro badan, haddana ah laangaabyo, waxeyna dhiirogelinayan talada hogaanka dalka inuu iska leeyahay xisbiga weynaha guuleysta, balse ma dhiirogelinayaan in talada lagu hogaaminayo dalka uu noqdo mid ku dhisaan talowadaag meel dhexe ay labada xisbi isugu imanayaan, waxeyna taas bedelkeeda ay ku dhisan tahay in xisbiga laga guuleysto uu u qoordhiibto hogaaminta talada dalka ee xisbiga guuleystey, waxeyna taas ay meesha ka saareysaa aragti wadarogola oo ka dhexeysa labada xisbi oo ku saabsan talada hogaaminta dalka.

Marka uu wadanku leeyahay laba xisbi siyaasadeed oo waaweyn ma ahan macnaheeda inuu dalka mamnuuc ka yahay jiritaanka xisbiyo kale sida mid labadaba ka madaxbanaan, balse waxaa inta badan maalgelinta helaya labada xisbi siyaasadeed oo dowladda ay aasaaskooda hore soo dhisto, islamarkaasna ay dadku kala siyaan codad badan si ay u noqdaan xisbiyo waaweyn oo ah heer qaran, kuwaas oo ay guushu ku kala raacdo tiro badida codadka dadweynaha, waxeyna tilaabadaas ay dhabarka ka jebineysaa damaca jiritaanka xisbiyada yar yarka ah oo ka dhigeysaa mid aan yeelan hanoqaad ama aan la tartami karin labada xisbi siyaasadeed oo heer qarana.

Hanaanka ku dhisan labada xisbi ma adeegsado waxaa loo yaqaano “Proportional Representation” oo ah aragti la jaanqaada hanaanka xisbiyada badan ee ka dhex jirta hanaanka baarlamaanka, waxeyna taas bedelkeeda adeegsadaan in labada xisbi ee waaweyn ay doorashada ku galaan musharixiin ku metelaya tartanka kuraasta oo degaan doorasho walba hal kursi ay labada xisbi ugu wada tartamayaan, waxeyna taas fursad u siineysaa codbixiyeyaasha iney kala dooran karaan cid ay u arkaan iney metelaadooda siyaasadeed ku aamini karaan.

Soomaaliya waxaa ku haboon iney yeelato laba xisbi siyaasadeed oo kala ah: Xisbiga Dalka (National Party) oo ah xisbi jamhuuriya oo wadaniyadu ku xoogan tahay iyo Xisbiga Dadka (People’s Party) oo ah xisbi dimoqaradiya oo ay ku xooggan tahay adeegyada bulshada, waxeyna xisbiyadaas kala yihiin kuwo kala ah midigta oo ah (Right-Wing) iyo bidixda oo ah (Left-Wing), kuwaas oo kala taageersan kala sareynta bulshada ama sinaanta bulshada, waxeyna jiritaanka xisbiyadaas ay Soomaaliya ka xoojineysa qabsoomida doorashooyin dimoqaradiya oo aan ku dhisnayn qabyaalad iyo kooxeysi xagjirnimo diimeed.

Dowladnimada ku dhisan hanaanka labada xisbi waxaa degenaansho xukuumadeed siiya xilalka siyaasadeed ee madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyo xubnaha baarlamaanka dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ama goleyaasha deegaanka oo yeesha mudo go’an iyo tiro xadidan oo ah inta jeer oo ay xilalka u tartami karaan, waxeyna taas ay meesha ka saareysaa hubanti la’aanta ku gadaaman muranka qabsoomida doorashooyinka iyo iney siyaasiyiintaas qiil u raadsadaan mudo kororsi ay marmarsiyo uga dhigtaan inuusan dastuurku lahayn sharciyo xakameynaya isbedelo lagu sameeyo mudo xileedka madaxda iyo qabashada doorashooyinka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud ayaa sooyaalka Soomaaliyeed shacka ugu sameynaya taariikho daxalgal ah, wuxuuna dadweynaha Soomaaliyeed ka mutaystay abaal aysan taariikhdoodu iloobi doonin, maxaa yeelay wuxuu Soomaalida cusub u sameeyey isbedelo siyaasadeed oo u hiilinaya horumarka jiilalka soo socda oo loo diyaarinayo aayahooda in lagu iftiimiyo casriyeynta hanaanka dowladnimada Soomaaliya oo mustaqbalka dhow la tilaabsan karta siyaasadaha caalamka kuwooda ku guuleystay iney dadkooda iyo dalalkooda u horseedaan iney nolol hormarsan ku noolaadaan.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Related posts

Dheyman nuuciisa dhif iyo naadir yahay oo laga helay Dal kuyaalla Afrika (Sawirro)

Cabdi Cade

Khayre: “Inaan is dhageysano marka la kala aragti duwan yahay ayaanu ku heshiinay”

Caydiid Ali

Al Shabaab oo qaraxyo kusoo weerartay Ciidanka Danab ee la wareegay Janaale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---