Dab ayaa qabsaday galabta dooni u rarnayd ganacsato Soomaali ah, taasoo siday badeecado gaadiid u badan sida uu xaqiijiyey wasiirka warfaafinta Galmudug, Abshir Cabdi Sheekhow.
Doonta ayaa marka ay gubanaysay waxay maraysay inta u dhaxaysa dekadda dalka Cumaan ee Salalah iyo Jasiiradda Socotra oo qiyaastii 240 kilomitir u jirta xeebaha bari ee Soomaaliya.
Wasiirka Abshir ayaa xusay inuusan jirin khasaare nafeed balse aysan waxba ka badbaadin hantidii saarnayd oo dhamaan noqday wax gubtay iyo qaar badda ku daatay
Ma cadda sababta dhabta ah ee keentay in ay doontani basbeesho kuna gubtaan dhamaanba badeecadii saarnayd oo isugu jirta bagaash iyo gawaari 100 xabbo ku dhow.
Doontan oo lagu magacaabo Furaat 3 ayaa 12kii bishan ka soo furatay magaalada Dubai ee dalka isutagga Imaaraatka Carabta, waxayna ku jeedday dekadda magaalada Hobyo.