Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Galmudug oo War cusub ka soo saartay Howlgalada Koonfurta Mudug ka socda

Wasaaradda Amniga Galmudug, ayaa war kasoo saartay Howlgalada ka socda Koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamaada dowlada oo garab ka helaya dadka degaanka, ayaa maanta Weerar ku qaaday Xoogag taabacsa al shabaab deegaan koonfurta kaga beegan degaanka Caad oo lagu magacaabo Baraag hurdaaye.

“Ciidamada dowlada iyo dadka degaanka,ayaa burburiyaay fariisimo ay lahaayen kooxda khawaarijta, waxaa howl-galkan oo ahaa mid qorsheysan fuliyaay ciidamada gor-gor oo garab ka helaya ciidamada Degaanka. Sarakiishaa hogamineysa Howlgalkaan, ayaa shegay in ay dillen ku dhowaad 50 dagaalame oo khawarijta ka tirsanaa” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada amniga Galmudug.

Wasiirka Amniga Dowlada galmudug Mohamed Abdi Aadan (Gaboobe) ayaa sheegay in tirada al shabaab looga dilay Duqeynta ay ka Badan tahay 55 iyo dhaawaca tiro 40 ka badan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA

Ciidamaada dowlada oo garab ka helaya dadka degaanka ayaa maanta Weerar Ku qaaday Jab xuna gaarsiiyay Khawaarijtii ku sugneyd degaan koonfurta kaga beegan degaanka Caad oo lagu magacaabo Baraag hurdaaye.

Ciidamada dowlada iyo dadka degaanka ayaa burburiyay fariisimo ay lahaayeen kooxda gabalkeedu dhacay, waxaa howl-galkan oo ahaa mid qorsheysan fuliyay ciidamada Gor-gor oo garab ka helaya ciidamada Degaanka.

Saraakiisha hogamineysa Howlgalkan ayaa sheegay inay dilleen ku dhowaad 50 dagaalame  oo khawaarijta ka tirsan.

Dhanka kale Howlgal gaar ah ayey saaka ciidamada xoogga dalka Daraawiishta Galmudug iyo saaxiibada caalamiga ah ka fuliyeen dhulka Howdka ah ee Jeexjeexa oo u dhexeeya Caad iyo Cadaley, koofurta gobolka Mudug halkaasoo ay isku aruursanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta waxaa la xaqiijiyey in Khasaare badan lagu gaarsiiyey cadowga.

Wasiirka Amniga Dowlada galmudug Mohamed Abdi Aadan (gaboobe) ayaa  sheegay in tirada Cadowga looga dilay Duqeynta uuka Badanyahay 55 dhimasho oo Maleyshiyaad iyo Horjogayaal isugu jira iyo dhaawaca tiro 40 ka badan.

-DHAMAAD-

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyadii Muqdisho iyo Rag hubeesan oo ka dagaalamaya..

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo ka hadlay geeridii ku timid Sheekh Sabaax Al Axmad Al Jaabir

Cabdi Cade

TPLF oo xaalku ku xun yahay & ciidanka Itoobiya oo Magaalooyin cusub qabsaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---