Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daawo Sawirada: Kulan amaanka iyo howlgalada ciidamada looga hadlayay oo ka dhacay Muqdisho

Wasiirka gaashaan-dhigga Soomaaliya,mudane, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa shir  Guddoomiyah kulan looga hadlayay ammaanka Dalka iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada Xoogga wadaan kaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Kulankan uu guddoominayay Wasiirka Difaaca ayaa sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka wasaaradda amniga gudaha, Maxamed Abuukar Isloow,taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Jen, Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen; Bashiir Cabdi Maxamed, xubno ka tirsan wasaaradda caddaaladda, Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Amb; Francisco Madeira, Xubno ka socday Midowga Yurub iyo saaxiibbada Soomaaliya.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (ammar-dambe), ayaa sheegay in ay xubnahaasi ka wada hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada xoogga Dalka ka wadaan Gobalada Dalka .

“Kulanka waxaa looga hadlayay ammaanka Dalka iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada xoogga Dalka ka wadaan Goballada Dalka ,waxaan isla meel dhignay dhammaan qorshayaashii aan ka wada hadalnay” ayuu yiri Wasiirku.

Intii uu kulanka socday ayaa waxay Labada dhinac qiimayn ku sameeyeen horumarka laga gaaray xagga ammaanka Dalka, taasoo qayb ka ahayd qodobbadii kasoo baxay shirkii May 2017-kii ka dhacay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay inay waqtigan Ciidamadu howl-gallo ka wadaan Gobollada Shabeellada dhexe, Shabeellada hoose iyo Hiiraan, iyagoo garabsanaya AMISOM, halkaasoo ay guulo la taaban karo kasoo hooyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee Xassan Shiikh loogu soo dhoweeyey Asmara? (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddiga Doorashada oo la sheegay in ay u badan yihiin NISA iyo taageerayaasha Farmaajo

Cabdi Cade

Prof. Dufle: “Sigaarka & Shiishadu waxay fududeeyaan qaadista & faafida cudurka COVID-19”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---