Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Iran oo lagu eedeeyey iney Xuutiyiinta gacan ku siiso weerarada Maraakiibta Israel

Sirdoonka Mareykanka ayaa shaaciyay in Iran ay “si qoto dheer uga qayb qaadatay qorsheynta weerarada ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas

Jabhadda Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ayaa qaaday in ka badan 100 weerar oo ka dhan ah ku dhawaad maraakiib ganacsi oo isaga kala goosha badda cas afartii toddobaad ee la soo dhaafay kuwaasoo u badnaa kuwo ka yimid Israel iyo qaar ku sii jeeday

CIA-da ayaa sheegtay in Taageerada Iran ee la xiriirta kooxda Xamaas ay awood u siisay Xuutiyiinta inay qaadaan weeraro ka dhan ah Israa’iil, in kasta oo Iran ay inta badan dib u dhigtay awoodda go’aan qaadashada dagaalka

Talaadadii, sarkaal sare oo ka tirsan militariga Mareykanka ayaa sheegay in Iiraaniyiinta ay ka howlgalaan badda cas ayna ka caawinayaan Xuutiyiinta inay doortaan bartilmaameedyada, ayna siiyaan  xogta maraakiibta ku sii jeeda Israel ama ka yimid

“Iran waxay haysataa ikhtiyaarka ah inay bixiso ama ay hakiso taageeradan, taasoo la’aanteed Xuutiyiintu aysan waxba sameyn karin” ayuu yiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Adrienne Watson

Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay ka tanaasuli doonaan oo kaliya jidgooyada maraakiibta marka Israa’iil ay ogolaato in cunno iyo dawo la soo geliyo Gaza ayna joojiso dagaalka

Weerarada Xuutiyiinta waxaa loola dan lahaa iney xanuun dhaqaale u geystaan Israa’iil iyadoo si ay ugu cadaadiyaan inay joojiyaan duqeymaha ay ku hayaan Gaza.

Sirdoonka ayaa sidoo kale soo jeedinaya in Iiraaniyiintu ay siiyeen nidaamyada la socodka xuutiyiinta taas oo u oggolaanaysa inay ka shaqeeyaan hawada sare ee badda.

“Xogta sirdoonka iyo Xeeladaha ee ay Iran bixiso ayaa muhiimad gaar ah u leh in Xuuthiyiinta ay u suurtageliso beegsiga maraakiibta badda tan iyo markii ay kooxdu bilaabeen weerarada bishii November,” ayay raacisay CIA-da warkeeda

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada Xuuthiyiinta ay u adeegsan jireen weerarada ayaa waxaa siisay Iran, taasoo qeyb ka ah hubeynta Iran ee kooxda fallaagada tan iyo 2015-kii.

Mareykanka ayaa todobaadkan bilaabay howlgalka ilaalinta iyo isbaheysiga badda kaasoo ujeedadiisu tahay xoojinta amniga koonfurta badda cas. In ka badan 20 waddan ayaa saxiixay hindisaha ilaa hadda sida uu sheegay Pentagon Mareykanka.

 

Related posts

Kaalintee Somalia ka gashay liiska dalalka Caalamka ugu Nabdoon sanadkii hore ?

Caydiid Ali

Soomaali Afduub loogu heestay Johannesburg oo lasoo bad baadiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Midowga Yurub oo war ka soo saaray xiisada culus ee Israel iyo Iran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---