Allbanaadir.com
NEWS

Baashi Max’ed Isxaaq oo isku dhiibay qeybta 60aad ee ciidanka Xoogga dalka

Baashi Maxamed Isxaaq oo Magaciisa Afgarashada alshabaab loogu yaqaano (Ruweysh) ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta 60-aad.

Waxaa uu sheegay inuu Al Shabaab u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadda, isagoo ka howlgalay Deegaano katirsan Gobolka Gedo.

Sababaha uu Al-Shabaab uga soo tagay ayuu ku sheegay iney ka mid yihiin markii uu u adkeysan waayey dhibaatooyin uu sheegay iney ku hayaan shacabka.

Baashi ayaa dhalinyaradii uu ka soo tagay ee wali ku jira Al shabaab ugu baaqay inay ka faa’ideystaan Cafiska uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya u fidiyey.

Waxaa uu sheegay in ciidamada dowlada ay soo dhoweeyeen si wanaagsana ula dhaqmeen, isagoo xusay in loo balan qaaday waxbarasho iyo nolol wanaagsan in loo abuurayo.

Related posts

Maamulka G/Banaadir oo soo saaray amaro cusub oo dhinaca Amniga ah

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Khayre oo labo arrimood ku amaanay shacabka Koonfur Galbeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Haddii Aan La Xisaabtamin Soo Xoola beel Maaha !! (Halkan Xaqiiqo badan ka Ogow)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---