Hay’adda dalka Britain ugu qaabilsan la-socodka hawlgallada maraakiibta ganacsiga ayaa sheegtay inay dabley aad u hubeysan qafaasheen dooni ganacsi oo maraysay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, una dhow magaalladda Eyl ee bariga Somalia.
Hay’adda UKMTO waxay sheegtay inay xogtan ka heleen ilo milliteri oo ku sugan xeebaha Soomaaliya, balse Faahfaahin dheeraad ah lagama bixinin doonida la qafaashay halka ay ku socotay iyo cidda iska leh.
Baaritaano ayaa socda oo ku aadan dhacdadaasi afduubka ah, lamana oga tirada badmaaxiinta la socotay doonidaasi, shixnadaha ku raran, dekedda ay ka soo shiraacatay iyo marsada ay ku wajahnayd doonta la afduubtay.
Bishan December 14-dii ayey ahayd markii ay Kooxo Hubaysan ay Markab Xamuul oo laga leeyahay dalka Bulgaria ka qafaasheeen meel ku dhow Jesiiradda Socotra ee Yemen oo qiyaastii 150 miles ka baxsan Xeebta Somalia.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com