Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ee Macawuusleyda ayaa dib u bilaabay howlgalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidamada dib ula wareegeen deegaanno iyo degmooyin dhaca Galmudug.
La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka dib u bilaabeen dagaalka ka dhan ah Al Shabaab, kaddib markii ay furmeen waddooyinkii biyaha roobka xireen.
Waxa uu sheegay Xuseen Macalin in howlgalkan dib u bilowday uu qaadan doono ilaa bisha Febraayo ee sannadka soo socda ee 2024, waxa uuna xusay in rejo weyn ka qabo in xilligaasi marka la gaaro lasoo afjaro dagaalka dalka looga saarayo Al Shabaab.
Lataliyaha Amniga Qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay si tartiib tartiib ah dib ula wareegayaan degmooyinkii ay horey uga soo baxeen, waxa uuna xusay in cashar laga qaadanayo weeraro horey u dhacay.
Xuseen Macalin ayaa sheegay in guul weyn xilligan tahay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay la dagaallamayaan soona afjarayaan kooxda Al Shabaab, iyaga oon wax garab ah ka heleyn ciidamo shisheeye sida uu tilmaamay.
Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa dib u bilaabay howlgalo ka dhan ah Al Shabaab, waxa ayna ciidamada dagaal la’aan maalmihii lasoo dhaafay kula wareegeen degmooyinka Ceeldheer iyo Masagawaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com