Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku riday Hodan Diiriye iyo Ibraahim Ismaaciil

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa maanta xukun dil ah ku kala riday laba eedeysane oo dilal horay uga geestay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday Hodan Diiriye Xuseen oo lagu helay dil bareer ah degmada Baledxaawo ugu geestay ninkeeda, waxaana maxkamadda ku heshay haweeneydan eedeymaha dilka ah ee loo soo jeediyay.

Sidoo kale maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday Dable Ibraahin Ismaaciil Dhibil Salaad oo lagu helay isna in dil bareer ah degmada Baledxaawo ugu geestay askari katirsanaa ciidanka booliiska.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maalmahan waday dhageysiga dacwada dilka ah ee loo heestay labadan gacankudhiigle , iyadoona maxkamadda ugu dambeyn Hodan iyo Ibraahim ku riday xukun dil ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka DF oo soo bandhigay labo Sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Akhriso: Todoba Caqabadood oo ku hor gudban qorshaha dib u eegista dastuurka Somalia

Caydiid Ali

Xiriirka K/Cagta Ingiriiska oo raali gelin siiyey gabar Soomaali ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---