Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Al Burhan oo ka carrooday magaalo laga qabsaday una hanjabay Saraakiil fududeesay

Ciidamada milatariga dalka Sudan ayaa si fudud ku lumiyay gacan ku heynta magaalo istaraatiiji ah oo kutaalla dalka Sudan, waxaana magaaladaasi la wareegay ciidamada gurmadka deg dega ee loo yaqaan RSF.

Ciidamada RSF ayaa qabsaday magaalada istaraatijiga ah ee Wad Madani, waxaana magaaladan sideedii bilood ee dagaalka ka socday dalka Sudan si buuxda gacanta ugu hayay ciidamada Milatariga Sudan.

Hoggaamiyaha milatariga dalka Sudan Jeneraal Cabdifataax Al Burhan ayaa si adag uga hadlay qabsashada magaaladan ee ciidamada RSF, waxa uuna Al Burhaan eedeeyay saraakiishii iyo ciidankii magaaladaasi joogay, isagoona fariin hanjabaad ahna u diray.

“Taliye kasta oo khalad lagu helo waa loo qabsan doonaa, kuwa lagu helo inay ka bixitaanka ka dambeeyeenna ayadoo aan loo naxariisan ayaa lagula xisaabtami doonaa” ayuu yiri hoggaamiyaha milatariga Sudan.

Magaalada Wad Madani ee  gobolka Gezira State waxaa gacanta ku hayay milatariga dalka Sudan, waxaana magaaladaasi hadda isaga qaxay dad gaaraya 300,000 oo magaaladaasi si nabdoon ugu noolaa bilooyinkii dagaalka sukeeye ka socday qeybo kamid ah Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

.

Related posts

Sheikha Latifa oo mudo dheer kadib Sawiradeeda la arkay iyo hadal heyn ka dhalatay

Cabdi Cade

Milatariga Somalia oo ka qeyb qaadanaya Howlgalka Jubada Dhaxe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Rag kufsi iyo dil isugu daray gabar 16 jir aheyd oo gacanta lagu soo dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---