Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Najib Balala oo Xabsi la dhigay iyo dambiga lagu eedeeyay oo la ogaaday

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay wasiirkii hore ee dalxiiska dalka Kenya Najib Balala ,waxaana wasiirka la xiray iyo saraakiil kale oo Kenyan ah la horgeeyay maxkamad.

Wasiir hore Najib Balala ayaa lagu eedeeyay in uu ku kacay musuq maasuq iyo wax isdaba marin intii uu xilka hayay, waxa uuna wasiirkan noqonayaa kii ugu horeeyay oo loo xiro musuq maasuq tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne William Rutu.

Najib Balala iyo saraakiil kale ayaa loo haystaa lacago lagu bixiyey sifo aan sax ahayn, kuwaas oo gaaraya 119 Malyan oo doollar, waxaana masuuliyiintan hadda ku socda baaritaano dheeraad ah oo ku aadan lacagaha la musuqmaasuqay.

Wasiirkii hore ee Dalxiiska dalka Kenya ayaa xilkaasi hayay muddo 12-sanno ah, waxa uuna lasoo shaqeeyay kana tirsanaa saddex xukuumadood oo katirsanaa doowladda Kenya, waxa uuna kamid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan uguna samaeynta badan dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia & dowlad goboleedyada xubnaha ka ah oo go’aan wadajir ah soo saaray

Caydiid Ali

Shaqaalaha Dowlada Soomaaliya oo Khamiista la fasaxay iyo Sababta oo la cadeeyay

Cabdi Cade

(Sawirro) Dowlada Qatar oo soo fara gelisay khilaafka ka taagan doorashooyinka Somalia?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---