Mid kamid ah astaamihii qurxoonaa ee Suubanaheenna NNKH uu lahaa waa naxariista, deganaanta iyo dabcan inuu in badan ahaa qof dhoolla-caddeeya! Waxaa xattaa laga soo weriyaa inuu yiri: ‘inaad walaalkaaga Muslimka ah u dhoolla-caddeyso waa sadaqo Ilaahay abaalmarin kugu siinayo’.
Daweynta Ilkaha iyo afka waxay adduunyadu ku bixisay aqoon badan iyo lacag. Marka uu gows ama ilig ku xanuuno, waxaad u tagaysaa dhaqtar si uu kaaga daweeyo! Xattaa haddii ilig uu kaa jabo waxaa laguugu beddelayaa mid cusub.
Wax badan ayaase ku duugan bedqabka ilkaha iyo afka kuwaas oo caafimaadkaaga wax badan ka tilmaami kara. Cudurrada ilkaha asiiba waxay 19% keeni karaan suuragalnimo ah inuu qofku haleelo xanuunka wadnaha. Wuxuuna lasii kordhaa da’da qofka. Marka uu 65 jir gaaro, suuragalnimadu waxay gaartaa 44%.
Waxaa jirta halheys hore oo yiraahda haddii aad iibsanayso Faras, waxaad ka fiirisaa ilkaha. Waayo waxay wax badan ka sheegi karaan caafimaadkiisa. Bani aadankuna waa tabtaas oo waa sida Fardaha. Haweenkuse, marwalba oo ay wax dhalaan oo ay sii weynaadaan, waxaa daciifa xubnaha iyo unugyada jirka ee dumarnimada qaabilsan. Sababtaas ayay u yiraahdaan, haweeneydu waxay weysaa hal ilig marwalba oo ay imo dhasho!
Waxaa habboon marka in fiiro gaar ah la siiyo bedqabka iyo caafimaadka ilkaha si lamid ah jirka intiisa kale. Waayo waa aaladda qofka siiya quruxda hadalka iyo toolmoonaanta wejiga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com