Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa maanta qada Sharaf ugu sameeyay xarunta madaxtooyada xidigaha xulka kubadda cagta ee Koonfur Galbeed
Madaxweynaha ayaa Wasiirka Dhalinyarada iyo madaxda Xiiriirka kubadda cagta Koonfur Galbeed ka dhagaystay shaqooyinkii baaxad lahaa ee bilihii lasoo Dhaafay ay wadeen iyo diyaar garowga xulka kubada cagta ugu jiraan ciyaaraha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ee ka furmaya Muqdisho.
Laftagreen ayaa guul u rajeeyay xulka ciyaartooyda Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in ay garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka ,isla markaana ay rajo weyn ka qabaan in guul weyn ay soo hoyin doonan tartan Ciyaareedka Magaalada Muqdisho ka furmaya.
Tartanka kubadda cagta ee ka furmaya magaalada Muqdisho ayaa sanandkan waxaa ka maqan ciyaartoydii matelayay maamulka Puntland, waxaana sannadkan ciyaaraha afar maamul goboleed iyo maamulka gobolka Banaadir ciyaartoy mataleysa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com