Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Ciidanka Xooga dalka oo la wareegay degaano cusub, kaabigana u saaran..

Ciidamada Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ayaa al shabaab ka saaray degaano ka tirsan Koofurta gobolka Mudug.

Deegaanka Shabeelloow oo ah fadhigii ugu waynaa ee alshabaab ka joogtay Koofurta Mudug, tuulada Cadaleey, waddada muhiimka ah ee isku xirta Camaara iyo Ceellhuur ayaa ka mid ah meelaha laga saaray Al-shabaab

Buurta Yacgoos oo ah meel istaraatiiji ah oo alshabaab ay ka ilaalinayeen Magaalada Caad iyo degaano kale ayaa Al-shabaab laga ciribtiray maalmihii la soo dhaafay sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

“Khawaarijta oo xaqiiqsatay in aanay u babac dhigi Karin awoodda ciidan ee ku soo wajahan ayaa iska carartay magaalooyin aan wali ciidanku gaarin waxaana ugu dambeyn hadda Ciidanka is garab sanaya ay dhinacayada ka fadhiyaan Magaalada istaraatiijiga ah ee Caad oo ay Khawaarijtu maamuleysay muddo 15 sano ah” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Related posts

Xildhibaan Warbixin ka qoray sida Muuse Suudi ku yeeshay dhulka dowlada ku heesato (Akhriso)

Cabdi Cade

Maxaa ka cusub xaalada Murugsan ee Bariga dhexe?

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo War aan looga baran ka soo saartay Sarkaalkii ay soo bandhigtay NISA

Caydiid Ali