Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaan ku dhaw Madaxweyne Farmaajo oo ku lug leh Shabakad sameysa dollar been abuur oo…

Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxa ay ku qabteen shabakad ku shaqeysata lacag dhiqidda iyo Doollarka madow ee la been abuuray.

War kasoo baxay Hay’ada Nabad sugida ayaa lagu sheegay in shabakada la qabtay uu sahlayay howlaha sharcidarada ah ay wadeen Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo magaciisa la qariyay.

Baaritaano ay sameesay Shabakada Allbanaadir ayaan ku ogaanay in Xildhibaanka shabakadan ku lugta leh uu kamid yahay xubnaha aadka ugu dhaw dhaw Madaxweynaha Soomaaliya iyo kooxdiisa Nabad iyo Nolol.

Shabakada Allbanaadir ayaa heshay magaca iyo xogta Xildhibaankan lagu eedeeyay in uu la shaqeenayay shabakadan qaarkood lagu qabtay garoonka Aadan Cadde, waxaana wali wadnaa baaritaano dheeraad ah oo arintan ku saabsan si aan magaca Xildhibaanka iyo xogta oo dhameestiran usoo gudbino.

Xildhibaano katirsan dowlada Soomaaliya iyo siyaasiyiin ku dhaw dhaw Madaxda Qaranka ayaa xiliyada qaar gacanta la gala fal dambiyeedyo, hasa ahaatee si hoose ayaa loo xaliyaa arimahaasi inta aysan saxaafada ogaan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha xogtan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad ka badan 260-qof oo Sacuudiga Cumra u aaday oo loo diiday in dalkaasi galaan

Cabdi Cade

Taliyaha NISA oo hawada ka saaray barihii bulshada uu lahaa iyo hadal heyn ka dhalatay !

Cabdi Cade

Guddiga soo xulaya ergada dooraneysa shan kursi oo midkood muran ka jiro oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---