Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo aqbalay inuu u codeyo qaraarka Golaha amanka ee xabad joojinta Gaza

Mareykanka ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu u codeeyo qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Gaza ka dib dhowr dib u dhac, sida ay sheegtay safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield.

“Waxa aan rabaa in aan idinla wadaago in aan si adag oo hawlkarnimo leh ugala shaqaynay todobaadkii la soo dhaafay Imaaraatka, iyo Masar inaan la nimaadno qaraar aan ku taageeri karno. Waxaan haynaa qaraarkaas hadda. Waxaan diyaar u nahay inaan u codeyno,” ayey Thomas-Greenfield u sheegay suxufiyiinta.

Golaha ammaanku ayaa maalmo ka hor dib u dhigay codeynta qaraarka, kaasoo dhigaya in la joojiyo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas iyo kordhinta gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza.

Codbixinta ayaa hadda la filayaa inay dhacdo Jimcaha maanta

Maraykanku wuxuu hore uga soo horjeestay baaq xabbad-joojin ah oo uu isku raacay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay horaantii bishan

Sidoo kale wuxuu horey u diiday qaraaro 15-ka xubnood ah ee Golaha Ammaanka ku doonayeen in lagu joojiyo dagaalka

Ku xigeenka safiirka Qaramada Midoobay Robert Wood ayaa u sheegay golaha ammaanka xilligaasi in ay sabab u ahayd in aan qoraalada qabyada ah ee qaraaradaas aan lagu xusin cambaareynta weeraradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar.

Related posts

Kenya Airweys oo mar kale dib u dhigtay duulimaadkii Muqdisho & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Jabuuti oo dalkeeda ka ceyrisay Xildhibaan u ololeeya in Somaliland dowlad noqoto

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Waare & Xildhibaanada metela Hirshabelle? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali