Allbanaadir.com
NEWS

Caro ka dhalatay masuuliyiin dukaameysanaya oo loo xiray Jid ku yaalla Muqdisho

Caro xooggan ayaa ka dhalatay arrin xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ka dib markii wadada isku xirta Km4 & Zoope loo xiray Taliyaha ciidanka Jabuuti G/Sare C/raxmaan Cali Kaahin oo ay la socdeen Xildhibaan Saadaq Joon iyo xaaskiisa Heybado Ismaaciil Cumar Geelle.

Taliyaha booliska Jabuuti ayaa maalmahan ku sugnaa Muqdisho, wuxuuna 19kii bishan u yimid ka qeyb galka munaasabadii sanadguurada 80-aad ee aasaaska ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegneyd 20kii bishan.

Wararka ayaa sheegaya in xubnahan ay ka soo dukaameysanayeen Suuqa Banaadir Mall oo ku yaalla isgoyska laamiyaraha Soobe, taasoo keentay in loo xiro agagaarka Mallkaas oo ay hor marto wadada isku xirta Km4 iyo Zoope.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga fal celiyey dhacdadan, iyagoo sheegay in masuuliyiintaas ay wataan ciidamo badan oo amaankooda sugi kara, ayna qalad tahay in loo xiro jid muhiim ah.

Wadada Zoope ayaa ka mid ah wadooyinka howlaha ah ee magaalada Muqdisho, waxaana mudada ay xirneyd labada dhinac ee wadadaas ku xanibmay dad fara badan oo u kala gooshayey magaalada iyo qaar guryahooda u hoyanaayey.

 

Related posts

Koox sameynaysey dokumentiyada been abuurka oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Maamulka Ahlu suna oo amar siiyay maamulka garoomada diyaaradaha & War ku saabsan heshiiska Ahlu Suna iyo dowladda oo …

admin

Askari ka baxsaday xabsi kuyaalla London oo lasoo qabtay iyo lacag la siinayo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---