Waqooyiga Gaza hadda ma leh isbitaal shaqeynaya sida uu sheegay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) oo arintaas ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta.
Richard Peeperkorn, oo ah wakiilka WHO ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, ayaa sheegay in Isbitaalkii u dambeeyay ee ka shaqeeya waqooyiga Gaza uu ahaa Isbitaalka Al-Ahli laakiin shidaalka, korontada, saadka caafimaadka iyo shaqaale yaraantu ay ka dhigeen mid aan shaqada sii wadi karin.
Kaliya sagaal ka mid ah 36 isbitaal oo Gaza ku yaalla ayaa shaqeynaya, wakiilka WHO Peeperkorn ayaa sheegay Khamiista, isagoo raaciyay in dhammaan sagaalku ay ku yaalliin koonfurta Gaza.
Wakiilka WHO ayaa la hadlay saxafiyiinta ka dib howlgalo ay ku tageen Al-Ahli iyo Isbitaalka Al-Shifa oo ka mid ah isbitaalada ku yaala wowooyiga magaalada Gaza.
Waxaa maanta mgaalada Muqdisho si heer qaran ah loogu aasay Allah ha u naxariistee Khadiija Maxad Diiriye, oo aheyd wasiirkii haweenka iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, oo shalay ku geeriyootay dalka Jabuuti.
Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ee Ramallah ay Khamiistii shaacisay in ku dhawaad ​​20,000 oo qof lagu dilay weerarada Israel ee Gaza tan iyo 7-dii October.
Dhanka kale, Xamaas ayaa sheegtay inaysan aqbali doonin wax wadahadal ah oo ku saabsan isdhaafsiga maxaabiista ilaa inta ay Israa’iil soo afjareyso howlgalkeeda militari ee Gaza.