Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa maamul goboleedka Puntland u horseeday inuu ka qabto doorasho qof iyo cod ah oo ay shacabka Puntland ay si toosa ugu soo doorteen goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland, wuxuuna dejiyey qorshooyinkii loogu qaban lahaa doorashooyinka qof iyo cod ah ee lagu soo dooran lahaa madaxweynaha maamulka iyo xildhibaanaada baarlamaanka Puntland, balse waxaa tilaabadan dambe horjoogsadey siyaasiyiin ku dhegen dhaqanka iyo awood ku qeybsiga qabyaalada, kuwaas oo kaashanaya madaxda qabiilada oo dantoodu ku jirto in awooda dowladda Puntland ay gacmahooda ku sii jirto.
Puntland waxaa horumarin kara siyaasi maskax furan sida Mudane Deni oo gilgilaya tiirarka ay ku taagan yihiin sharta soo jireenka ah oo ku dhisan dhaqan siyaasadeedka haraadiga ah ee la haray maamul goboleedka Puntland, kaas oo ay madaxda qabiilada ay hormoodka ugu yihiin in Puntland ay u dabranaato sidii ay ugu negaan lahayd siyaasad xeer jajaba oo ku dhisan dhaqan la yuurarka qabyaalada, wuxuuna habdhaqankaas saacidayaa in odeyaasha madaxda ka ah qabiilada ay yihiin furaha aasaaska u ah doorashooyinka dadban, taas oo ka dhigeysa iney awoodii shacabka ay bedelkeeda iyagu noqdaan kuwa gacmahooda ku soo xulaya caadoqaateyaal codkooda ku iibsanaya suuqa doorashada.
Madaxweyne Deni ayaa isku deyey inuu awooda dowladda u dib ugu celiyo gacmaha shacabka, kana wareejiyo awooda dowladda gacmaha yar oo ay ugu jirto madaxda qabiilada, waxeyna taas ka turjumeysaa sida ay uga go’an tahay Madaxweyne Deni inuu Puntland u horseedo adeegsiga siyaasad casriya oo hormarisa maamulka dowladda iyo nolosha dadka, taas oo ka turjumeysa Puntland oo yeelata xisbiyo siyaasadeed oo ay dadku u soo codeeyaan iyo siyaasadda lagu maamulayo dowladda oo si dimoqaraadiya loogu tartamo, iyadoo doorka ugu weyn ay iska leeyihiin shacabka oo si toosa ugu soo doorta madaxda xukumeysa.
Puntland ayaa waxey mareysaa tijaab ay ku kala dooraneyso iney ama hormood u noqoto adeegsiga hanaanka dimoqaraadiyada casriga ah oo awooda dowladda ay leeyihiin shacabka Puntland oo ah mid u adeegeysa maslaxada danta guud ama iney ku negaato in awooda dowladda ay ku soo urursanaato gacmo kooban oo u adeegaysa danaha gaar ahanayd ee madaxda qabiilada, waxeyna kala doorashadaas Puntland u horseedeysa ama iney horay u socoto ama iney meesheeda ku negaato iyadoo aysan waxba u soo kordhin, taas oo Puntland ama ka dhigeysa horyaalka horumarka Soomaaliyeed ama mid ka harta horumarka nololeed ee dowlad wanaaga.
Madaxweyne Deni waa hubaal inuu mar labaad hogaaminayo horumarinta habdhaqanka siyaasadeed ee maamulka dowladda Puntland, taas oo lagama maarmaan u ah baahida weyn ee loo qabo horumarinta dimoqaraadiyeynta hogaanka siyaasadeed ee ismaamulka Puntland, waxaana aan shaki lahayn in madaxweyne Deni uu u horseedi doono Puntland iney noqota mid horumarinta dimoqaradiyada looga dayan doono oo isbedelada uu ka sameynayo Puntland ay noqon doonaan kuwo saameyn xoog leh ku yeesha maamul goboleedyada kale iyo mida dowladda dhexe, waxeyna dadaaladiisa xambaarsan hamiga horumarineed ay sii xoojinayaan shacbiyada xooggan ee uu ku leeyahay Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Siyaasiyiinta diidan in Puntland ay gasho doorasho qof iyo cod ah oo ay shacabku ku soo doortaan madaxda hogaamineysa ama siyaasada ku metelaya baarlamaanka ayaa hadda u muuqda kuwo aan lagu kalsoonaan karin iney Puntland gaarsiin karaan horumarinta hanaanka siyaasadeed ee lagu maamulayo dowladda Puntland, waxaana rajooyinkooda caqabad weyn ku ah sida ay uga horyimaadeen in shacabka Puntland galaan doorasho qof iyo coda oo ka dhacda deegaanada ay ka soo kala jeedaan, iyagoo siyaasad ahaan aan tixgelin maslaxada ummadda, balse ku xumeynaya xifaaltanka qabyaaladeysan oo kala dhexeeya Mudane Deni, waxeyna taas ay tusmo cad u tahay ineysan Puntland u keeni karin isbedelka ay ku taameyso iney hiigsato.
Habdhaqanka guracan ee madaxda qabiilada wuxuu Puntland u horseeday dariishad furan oo ay ka soo galaan madaxda dowladda dhexe si ay arrimahooda u soo farageliyaan, waxeyna fursad qaaliya u arkeyaan sidii ay uga faa’ideysan lahayeen musuqa ku gadaaman hanaanka lagu qabanayo doorashada dadban, waxeyna rumeysan yihiin maalgelinta musharaxa ay wadato dowladda dhexe oo ay dano shaqsiyadeed ka leeyihiin, taas oo ah in ay codadka Puntland noqdaan kuwo ay ku xisaabtamaan marka ay timaado doorashada ay daneynayaan iney dib ugu soo noqdaan xilalka ay hayaan, waxeyna taas ay marqaati cad u tahay sida madaxda dowladda dhexe aysan uga go’nayn iney qabtaan doorasho qof iyo cod ah oo looga maarmi karo codadka xildhibaanada Baarlamaanka.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com