Allbanaadir.com
NEWS

Dhallinyaro laga soo tarxiilayo Ruushka iyo safaaradda Soomaaliya oo ka hadashay

Muddooyinkii lasoo dhaafay dalka Ruushka waxaa kusii qul qulayay dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ,kuwaa oo dalkaasi uga sii gudbayay waddamada reer Galbeedka qaarkood gaar ahaan dalka Finland.

Soomaali badan oo tagtay Ruushka ayeyna u suurto gashay in ay uga sii gudbaan dalal kale oo Yurub kuyaalla, halka kuwa kalana ay ku xayirmeen oo ilaa hadda gobolo dalkaasi katirsan ku sugan yihiin.

Ciidamada ammaanka dalka Ruushka ayaana xir xiray dhallinyaro Soomaaliyeed oo la qabtay qaarkood iyaga oo tahriibaya iyo kuwa kale oo sharciga ka dhacay, waxa ayna dadkaasi qaarkood dib ugu soo celiyeen Soomaaliya.

Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Ruushka ayaa sheegtay in ay jiraan dhallinyaro Soomaali ah oo u xiran ciidamada ammaanka Ruushka, kuwaa oo lagu eedeeyay in sharci darro ku galeen dalkaasi iyo kuwa kale oo sharciga ka dhacay.

Dadka xiran ayeyna sheegtay safaaradda Soomaaliya ee Ruushka in la qorsheenayo in maalmaha soo socda loo musaafuriyo Soomaaliya oo markii hore ka tageen, waxa ayna safaaradda u digtay dadka Soomaaliyeed ee wali Ruushka u imaanaya tahriibka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Gudoomiye Gacal kala hadlay Guddiga doorashooyinka Galmudug? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo mar kale Amar ku bixisay in laga guuro dhul kuyaala Dayniile

Cabdi Cade

Ciidamo Milatari ah oo Muqdisho ku dilay mid kamid ah Shaqaalaha Dowlada Hoose

Cabdi Cade
Taboola Ads ---