Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu ka dhigan yahay dilka Sargaalka Maraykanku $10 malyan madaxiisa dul dhigeen

Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay in “Duqeyn dhanka cirka ah oo ay iska kaashadeen ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamadda Mareykanka lagu dilay Horjooge Khaliif Daa’uud”.

Warbaahinta Ciidanka milateriga ee Soomaaliya oo soo xiganaysay taliyaha ciidanka xooga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin waxay sheegeen in Khaliif oo magaciisa afgarashada uu yahay Macallin Ayman lagu dilay duqayn ka dhacday Jilib.

Dawladda Maraykanka ayaa madaxiisa dul dhigtay 10 malyan oo dollar ayadoo ku eedeysay inuu ku lug lahaa weerarkii ay ku dhinteen Maraykanka iyo Keenyaanka ee ka dhacay saldhigga ciidamada Manda Bay ee gobolka xeebta ee Kenya bishii Janaayo 2020.

Kumuu ahaa Macallin Ayman

Khaliif Daa’uud oo loo yaqaanno Macallin Ayman wuxuu macallin madrasa ka ahaa magaalada Mandheera ee dalka Kenya

Wuxuu si gaar ah al shabaab ugu qaabilsanaa weerarrada koofurta Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna ahaa, sida ay ilo kala duwan sheegeen aasaasihii kooxda Jaysh Ayman oo u badan dagaallameyaal Al shabaab ka tirsan laakinse ka soo jeeda Kenya.

Kooxdaas waxaa kaloo ku jira ajaanib iyo Soomaali kale oo Al Shabaab ka tirsan. Waxaa la aaminsan yahay macallin Ayman in uu dhashay 1973.

Maxaa laga ogyahay Jaysh Ayman

Warar ilo kala duwan aan ka soo xigannay waxay sheegayaan in qiyaastii 13 sano ka hor la aasaasay kooxdan. 2013 ayey Al Shabaab kooxdan u xilsaareen inay weerarro weerarro ka gaystaan dalal ay Kenya ka mid tahay.

Ilaa hadda waxaa la ogyahay in ay raggii kooxdaas ugu waaweynaa ee uu ku jiray Macallin Ayman qaarkood ay noolaayeen, marka laga reebo Mussa Asad oo ahaa dagaallame Kenya u dhashay.

“Waxaa loo arkaa inay ahaayeen jabhadda ugu adag ee Al Shabaab ka tirsan, xubnaheedana u baahan yihiin inay maraan hanaan adag marka la xulayo. Tababar adag oo lix bilood ilaa sannad ah ayey maraan, waxaana ku jira in la lugeeyo masaafo aad u dheer oo boqolaal kilo mitir ah” ayaa lagu yiri warbixin ay soo xigatay jariidadda The Star ee ka soo baxda Kenya.

Madaxda Kooxdan hogaaminaysay ayuu wargaysku sheegay inay kala ahaayeen Amir Ramzi, Habib Karongo, Axmed Iimaan Cali, iyo Macallin Ayman.

Muxuu dawladda Soomaaliya uga dhigan yahay dilka Macallin Ayman

Dawladda Soomaaliya waxay bilihii la soo dhaafay wadday guluf xoog leh oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu hormuud ka ahaa.

Wuxuu u dhaxeeyey Ciidanka dawladda iyo miliishiyooyinka deegaanka oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab, wuxuuna xoogiisa ka socday gobollada Dhexe, hase yeehee waxay duqaymo badan oo xagga cirka ah ka dhacayeen gobollada jubbooyinka, waana halka la qorshaynayey in laga bilaabo wejiga labaad marka la soo afajro dagaallada ka socda Galmudug iyo Hirshabeelle.

Dilka Macallin Ayman ayey dawladda Soomaaliya u aragtaa guul weyn oo u soo hoyatay. Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ka faallooda arrimaha amniga wuxuu BBC u sheegay inay dharbaaxo weyn ku tahay Al Shabaab dilka sarkaalkaas.

“Hogaan muhiimadaas lahaa geeridiisa wakhti badan ayey ku qaadayansaa Al Shabaab in ay kaga soo kabsadaan. Qaab dhismeedka kooxda ayaa hadda la burburiyey, ayadoo la daciifiyey awoodoodii iyo jahadii ay u socdeen.

“Waxaa kaloo muhiim ah in sirdoonka Soomaaliya uu ka warqabo hogaanka Al Shabaab iyo meelaha ay kala joogaan. Horumar ayey u tahay dawladda maadaama uu ninkan xuduudda ka gudbiyey hawlgallada Al Shabaab” Ayuu yiri Kaboole.

Wuxu kaloo intaa ku daray Al Shabaab ay niyad jabinayso geerida Macallin Ayman, ayna adkaanayso inay ka soo kabtaan “Weli waxaa jira arday uu wax baray, laakin istaraatijiyadoodii iyo jihadi ay u socdeen ayaa laga hortagay, wakhti ayeyna ku qaadanaysaa inay is abaabul kale sameeyaan” ayuu yiri Axmed Kaboole. Wuxuu intaa ku daray in mar kastoo weerarrada lagu hayo ay xoogaystaan ay adkaanayso inay helaan fursad ay ku aargoostaan.

Mar uu ka jawaabayey Kaboole farriinta ay dirayso in hogaamiye weyn oo Al Shabaab ka tirsan lagu dilay magaalo ay ku xoog badan yihiin ayuu yiri “in ciidanka Soomalida ay Al Shabaab madaxdooda beegsadeen ayaa ah farriin muhiim ah, dadkuna waxay arkayaan in hogaamiyeyaasha kooxda la baacsanayo” ayuu yiri.

Wuxuu kaloo intaa ku daray inay niyad jabinayso dadka hadda ka dib doonaya inay ku biiraan Al Shabaab.

Weerarka lagu dilay Macallin Ayman ayaa ku soo aadaya ayadoo dhawaan golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu Soomaaliya ka qaaday cunaqabatayntii hubka ee saarnayd muddada 30ka sano ah, iyo xilli ay Soomaaliya isu diyaarinayso billowga wajiga labaad ee dagaalka ay kula jirto Al Shabaab oo gobollada koofureed laga billaabi doono.

Source Bbc

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin 38-sanno u xirnaa Dambi uusan gelin iyo Sabab layaab leh oo lagu ogaaday

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Qoorqoor oo caawa la caweeyey Bulshada Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Faahfaahin: Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Duleedka Boosaaso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---