Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad weyn oo dalkeeda ka mamnuucday Maraakiibta wata Calanka maamulka Israa’iil

Dowladda Malaysia ayaa dalkeeda ka mamnuucday in ay kusoo xirtaan maraakiibta xamuulka qaada ee wata calanka maamulka Israa’iil, kaddib markii ay kordheen xasuuqa iyo tacadiyada ciidamada Israa’iil u geesanayaan shacabka Gaza.

Maraakiibta ku wajahan Israa’iil ayaa sidoo kale laga mamnuuci doonaa in ay shixnad ku rartaan dekedaha Malaysia, waxaana dowladda qorsheeneysa in si deg deg ah u hirgaliso go’aannadan ka dhanka ah Israa’iil.

Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Anwar Ibrahim ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in isla markiiba lagala noqday ogolaanshiyaha shirkadda ugu weyn ee maraakiibta ee Israa’iil ee ZIM in ay isticmaasho dekedaha Malaysia.

“Cunaqabateyntan waxay jawaab u tahay ficillada Israa’iil ee iska indha tiraya mabaadi’da bini’aadantinimada ee aasaasiga ah, kuna xad-gudbaya sharciga caalamiga ah iyada oo loo marayo xasuuqa joogtada ah iyo naxariis-darrada ka dhanka ah Falastiiniyiinta.”ayuu yiri Anwar Ibrahim.

Dowladda Malaysia ayaan wax xiriir diblumaasiyadeed oo rasmi ah la laheyn maamulka Israa’iil, waxa ayna dowladda iyo shacabka Malaysia si weyn garab istaag iyo taageero ugu muujiyeen shacabka Falastiin .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo War ka soo saartay xanibaada Mareykanku saaray xubno ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Tartanka Kubadda Cagta ee Dawlad goboleedyada iyo G/Banaadir oo dib loo dhigay iyo sababta keentay (Akhriso)

Cabdi Cade

Maxay yihiin xubnaha lagu hor dhaariyey Axmed Madoobe?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---