Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo shaacisay Khasaaraha ka dhashay Weerar ay fuliyeen Ciidamada Mareykanka

Hawlgal ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo ciidamada cirka ee dowladda Mareykanka ayaa lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsan Al Shabab, kuwaa oo ku sugnaa deegaan dhaca xadka u dhaxeeya gobollada Jubbada Dhaxe iyo Jubbada Hoose.

Weerarkan ayaa la sheegay in ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Mareykanka oo iskaashanaya ay khidad aad loo qorsheeyay u adeegsadeen hawlgalka, si loo dhabar jabiyo dhagartii Al Shabaab soo maleegtay sida dowladda sheegtay.

Toddobaadkan gudihiisa waxaa hawlgal kale oo ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe dowladda Soomaaliya sheegtay in lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al Shabab, kaas oo ka mid ahaa horjoogayaasha muhiimka ah ee kooxda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuul katirsan Dowlada oo caawa lagu dhaawacay Meel ku dhaw Madaxtooyada Somalia

Cabdi Cade

Wasiir Beyle oo ka hadlay lacago la sheegay in la siiyey Xildhibaanada federaalka

Caydiid Ali

Dal xiray barta Instagram oo tirtay tacsida Haniya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---