Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa faahfaahin ka bixiyey geerida Wasiirkii haweenka ee dowlada Somalia oo maanta ku geeriyootay magaalada Jabuuti.
Marxuumadda oo ka mid ahayd wafdigii Ra’iisul Wasaaraha ee ka qeybgalayey Madasha Aragti Wadaagga ee Heritage ayaa ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Djibouti oo loo dhigay xannuun degdeg ah oo asiibay.
Al Cadaala ayaa intaas ku daray in Wasiirad Khadiija xaalad caafimaad oo degdeg ah ay la soo daristay, kadibna la dhigay isbitaal ku yaal Jabuuti iyadoo qaliin lagu maanta sameeyay.
Wuxuu kaloo sheegay Wasiir Al Cadaala, in qaliinka kadib aysan kasoo kicin suuxdinta sidaasna ay ku geeriyootay Wasiirada oo wararku sheegayaan iney xanuunsaneyd markii ay ka dhoofeysay Muqdisho ayna xaaladeeda ka sii dartay intii ay saarneyd dayuurada.
Qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada haweenka ayaa sheegay in wasiirad Khadiijo ay mudooyinkanba dareemeysay culeys ku yimid nolosheeda iyo xanuun, ayna ku shaqeyneysay adkeysi.
Dhaqaatiirta qaliinka ku sameysay ayaan ka hadlin sababta ay u geeriyootay Wasiirada iyo sababta iyo halka looga sameeyey Qaliinka, waxaana geerideeda oo aad looga naxay ka tacsiyadeeyey madaxda sare ee dalka.