Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo labo arin ku amaanay ciidamada Booliska Somalia (Sawirro)

Madaxweynaha JFS, ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabadda sanad guurada 80-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Waxaa  uu ku bogaadiyay kaalinta muuqata ee ciidanka Booliska soomaaliyeed uu ka qaatay sugidda amniga iyo sarreynta sharciga dalka.

Xassan Shiikh ayaa xusay in dowlada Somalia ay dedaal xoogan ugu jirto xoojinta iyo tayeynta ciidanka Booliska, gaar ahaan dhinacyada tababarada, qalabka iyo gaadiidka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha DFS ay ka xaqiijisay dhinacyada, ammaanka, xoreynta dalka, qaadista Cuba-qabataynta hubka, deyn cafinta iyo ku biirista Dalladda bulshada bariga Afrika.

Waxaa uu gu baaqay ciidanka Booliska iney sii xoojiyaan dedaalka ay ugu jiraan xaqiijinta amniga nafta iyo maamulka muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna iska ilaaliyaan wax kasta oo sumcada Booliska wax u dhimaya.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Related posts

Golaha Wasiirada Somalia oo ansixiyey miisaaniyada DF ee sanadka 2023 (Sawirro)

Caydiid Ali

Xamaas oo diiday natiijadii ka soo baxday shirkii Doha

Caydiid Ali

Siyaasiyiin caan ah oo baaq furan ka soo saaray xaalada Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---