Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo Magacowday guddiga aaska Qaran ee Marxuum Khadiijo Diiriye

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Guddi Aas Qaran Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha, Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo maanta geeriyootay.

Marxuumadda oo ku geeriyootay isbitaal ku yaala magaalada Djibouti ayaa waxay ka mid ahayd gabdhihii fara ku tiriska ahaa ee waqtiga badan geliyay dib u dhisidda Jamhuuriyadda seddexaad ee Soomaaliya, iyadoona ka mid ahayd ka qeyb galayaashii shirkii taariikhiga ahaa ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, oo socday intii u dhaxeysay 20-ka April ilaa 5-ta May ee sanadii 2000, kaas oo ay Soomaaliya ku soo ceshatay dowladnimadeeda.

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa akhriyey wareegtada RW ka soo baxday waxaana guddiga oo ka kooban xubno kala duwan gudoomiye looga dhigay Ku-xigeenka RW Somalia Saalax Axmed Jaamac

HOOS DAAWO HADALKA AFHAYEENKA

Related posts

Suuqa Ganacsiga ee Hayat Market oo ku guuleestay abaalmarinta Suuqa ugu fiican

Cabdi Cade

Maraykanka oo ka hadlay xaalada amni ee Soomaaliya iyo ciidanka Danab oo fuliyey howlgal

Caydiid Ali

Mareykanka oo maanta Duqeyn ka geestay Mudug iyo Dowlada oo ka hadashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---