Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo ka hadlay geerida ku timid Wasiir Khadiija Diiriye

Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay marxuumad Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Marxuumadda oo ka mid ahayd wafdigii Ra’iisul Wasaaraha ee ka qeybgalayey Madasha Aragti Wadaagga ee Heritage ayaa ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Djibouti oo loo dhigay xannuun degdeg ah oo asiibay.

‘’Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye waxay ka mid ahayd halgameyaashii waqtiga badan geliyay dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya. Waxay ka mid ahayd ka qeygalayaashii shirkii taariikhiga ahaa ee Carta ee Soomaaliya ay dowladnimadeeda ku soo ceshatey’’ ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumadda Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxdeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir ka farxiyay Madaxweyne Farmaajo Gudoomiye Cali Jeyte oo dil ka badbaaday

Caydiid Ali

Safiirro magacaaban oo kulan dardaaran ah lagula qaatay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin hubaysan oo weeraray Qunsuliyada Israa’iil ee Munich (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---