Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay Madaxweynaha Jabuuti (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha  Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadleen, xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Xamsa Barre ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyay doorka ay ka qaataan dowlad dhiska iyo amniga Soomaaliya, xilliyadii kala duwanaa ee la soo maray, isaga oo xusay in Jabuuti ay tahay walaal iyo saaxiib muhiim ah oo ay Soomaaliya leedahay.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay guulaha waaweyn ee ay ka soo hoysay muddada kooban, dagaalka ay ku ciribtireyso Khawaarijta , qaadista Cunaqabateynta hubka, ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika iyo cafinta deyntii lagu lahaa Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Afrika oo War ka soo saaray rabshadaha ka aloosan dalka Itoobiya

Caydiid Ali

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah la iskugu yeeray

Caydiid Ali

Beelaha Hawiye oo ku gacan seyray muddo kororsiga Farmaajo, digniin adagna soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---