Ciidankia xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helayay ciidanka deegaanka ayaa maanta kooxda Al Shabaab kala wareegay magaalada Masagawaa ee bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al Shabaab muddooyinkii lasoo dhaafay.
Sida aan wararka ku helnay kooxda Al Shabaab ayaa faarujisay magaalada Masagawaa markii ay weerar ku qaadeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana hadda magaalada howlgalo kawada ciidamada la wareegay.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala ayaa xaqiijiyay in Al Shabaab laga saaray magaalada Masagawaa, waxa uuna sheegay in ciidamada sii baacsanayaan kooxda Al Shabaab.
Magaalada Masagawaa ee bariga gobolka Galgaduud ayaa kamid aheyd magaalooyin iyo degmooyin ay horey u qabsadeen ciidanka dowladda, hasa ahaatee magaalooyinkaasi dib uga soo baxeen ,kaddib markii weeraro la kulmeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com