Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamad go’aamisay in Trump uusan u tartami karin Doorashada Madaxweynaha Mareykanka

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donlad Trump oo mar kale damac uga jiro in uu hoggaamiyo talada dalka Mareykanka ayaa wajahaya caqabado badan oo ku aadan sidii looga reebi lahaa tartanka doorashada madaxweynaha ee sannadkan dhacaya.

Maxkamadda Sare ee gobolka Colorado ee dalka Mareykanka ayaa xukuntay in Donald Trump uusan u tartami karin xilka madaxtinimada sannadka soo socda, waxa ayna maxkamadda ku heshay in uu jabiyay qodobo dastuuri ah.

Garsoorka maxkamadda ayaana sheegay in madaxweyne hore Donald Trump uusan u qalmin in uu u tartamo xilka madaxweynaha mar kale, waxa ayna maxkamadda xukuntay in tartanka doorashada gabi ahaan laga reebo.

Donald Trump ayaa fursad u heesta inuu racfaan  ka qaato go’aanka kasoo baxay maxkamadda sare ee gobolka Colorado, waxaana la sheegay in go’aankan maxkamadda kasoo baxay uusan quseyn gobolada kale ee dalka Mareykanka.

Doorashada guud ee madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa la filayaa in ay dhacdo bisha November ee sannadka 2024, waxa uuna Donald Trump mar kale doonayaa in kursiga kala wareego ninkii horey xilka ugala wareegay ee Joe Biden.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada oo Meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Masar?

Caydiid Ali

Milatariga Soomaaliya oo shaaciyay in howlgal ku dileen Maxamuud Nuur Gacal

Cabdi Cade