Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay Aqoonyahanno ku howlan Cilmibaaris muhiim ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xalay qaabilay Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku hawlan cilmibaaris ku saabsan dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Aqoonyahannada  ayaa Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay doorka muhiimka ay aqoonyahannadu ku leeyihiin baarista iyo xal u helidda mashaakilaadka ka dhashay dagaalladii sokeeye ee dalkeenu soo maray.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dib u heshiin dhab ah ay saldhig u tahay xoojinta dowladnimada, isla markaana Xukuumadda DanQaran ay xoogga saareyso ka mirodhallinta aragtida Madaxweynaha ee “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Magalada Muqdisho oo caawa toogasho ku dilay nin qori ku hubeysnaa

Caydiid Ali

Ruushka oo dalkiisa ka mamnuucay RW Boris Johnson iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Saacad uu lahaa Adolf Hitler oo lacag badan lagu xaraashay iyo Yahuud ka carrootay

Cabdi Cade