Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa caasimadda Dhuusmarreeb ka daafhuray mashruuca Better Life kaasoo ka qayb qaadan doona sare u qaadidda tayada caafimaadka Galmudug.
Madaxweynaha ayaa sheegay iney barnaaminkaan uu adeeg caafimaad oo dhammeystiran ka bixin doono 30 xarumo caafimaad oo ku kala yaalla degmooyinka Galmudug.
Waxaa uu u mahad celiyey masuuliyiinta Wasaarada caafimaadka Galmudug oo dedaal badan ku bixiyey mashruucan faa’iidada badan u leh shacabka degaanada Galmudug.
Waxaa uu sidoo kale mahad celin gaar ah u diray dowlada UK iyo qaar ka mid ah heyadaha QM oo mashruucan maalgelinaya, wuxuuna kula dardaarmay madaxda Wasaarada caafimaadka Galmudug iney si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran fulintiisa.
“Marka la hirgeliyo 30 xarumood ee dhinaca caafimaadka waxaa loo baahan yahay in laga howlgeliyo dad xirfad u leh arrimaha Caafimaadka” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor)