Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Xoogga dalka oo burburiyey fariisimo ay laheyd Al-shabaab (Sawirro)

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 24-aad ee Khaalid Binu Waliid ayaa howgal burburin ah ka sameeyay deegaano kala qaybiya gobolada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud.

Howlgalkaan oo ahaa mid qorshaysan ayey Ciidanka Xoogga ku burburiyeen fariisimo al-shabaab ku lahayd dhulka howdka ah gaar ahaan goob ay isku aruursanayeen sida wararku nagu soo gaarayaan.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalku uu ahaa mid guulaystay laguna naafeeyeey wax ay ugu yeereen cadawga argagexisada ah.

Ciidamada ayaa wali wada howlgalka ay ku baacsanayaan Al-shabaab iyagoo doonaya in gabi ahaan dhulka ku teedsan xadka kala qaybiya gobolada Shabeelaha dhexe iyo Galgaduud laga nadiifiyo sida ay sheegeen saraakiishu.

Related posts

Daawo Sawirada :Ciidamo hubeesan oo kamid noqonaya Daraawiishta Galmudug oo lala wareegay

Cabdi Cade

Warar sheegaya in la dilay hogaamiyaha Xamaas Yahya Sinwar

Caydiid Ali

Qoor-qoor oo gaaray Magaalada Garowe iyo wufuud kale oo ku wajahan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---