Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo shaacisay talaabada xigta ka dib deyntii laga cafiyey (Sawirro)

Ku-simaha Ra’isul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Dr. Floribert Ngaruko oo ah Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Afrika (Group 1).

Agaasimaha ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya dadaalkii ay muujisay si ay u soo gaarto barta dhammaadka hannaanka deyn cafiska oo soo gaba-gaboobay 13 bishan Disembar ee aynu ku jirno.

Mudane Saalax ayaa kala hadlay masuulkan sidii Bangigu uga taageeri lahaa Soomaaliya qorshaha deyn cafiska kadib, isaga oo uga mahad-celiyay Agaasimaha doorkii uu bangiga ka qaatay dhammaystirka hannaanka deyn cafiska.

Waxaa uu xusay inay ka dawlad ahaan deynta la cafiyey ka dib ay ballan qaadayaan inay sii xoojin doonaan sii wadista dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, la dagaallanka musuqa iyo ka miraa-dhalinta hiigsiga xukuumadda DanQaran ee isku filnaansho dhaqaale.

Related posts

Somaliland oo si adag uga hadashay Doorashada Somalia fariina u dirtay Beesha Caalamka

Cabdi Cade

Dowlada Turkiga oo baadi goobeysa nin la baxsaday lacag gaareysa 2 Bilyan Dollar

Cabdi Cade

Ciidanka Ukraine oo qaaday talaabo ka yaabisay Ruushka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---