Allbanaadir.com
NEWS

Milateriga Israel oo beeniyay eedeymo culus oo kaga yimid Xamaas

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa ku eedaysay millatariga Israa’iil inay Isbitaalka Al-Awda ee waqooyiga Gaza u beddeleen “xero ciidan”

Ciidamada Israel ayaa galay isbitaalka Axadii, sida ay sheegtay wasaaraddu, ka dib dhowr maalmood oo duqeymo ay ka dhacayeen agagaarkiisa.

Ciidamada Israa’iil ayaa ilaa hadda xiray 240 qof oo ay ku jiraan 80 shaqaale caafimaad ah, 40 bukaan ah, iyo 120 qof oo barakacay gudaha isbitaalka sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda oo magaciisa la yiraahdo Ashraf al-Qudra

Maxaabiista ayaa ah kuwo aan haysan biyo, cunno, iyo dawooyin, Al-Qudra ayaa intaas ku dartay, iyadoo ku eedaysay ciidamada Israa’iil inay ka hortagayaan maxaabiista inay u kala gudbaan qaybaha.

“Maamulaha isbitaalka Dr. Axmed Mahna waa la xiray oo laga xayuubiyey shaqadii, Dr. Mahna waa la xiray, waxaana la geeyay meel aan la garanayn” ayuu raaciyay.

Ciidamada Difaaca Israel ayaa beeniyey eedeymahaas, iyagoo sheegay inaaney ka hawlgalin gudaha Isbitaalka, balse ay gaareen bartilmaameedyada millatariga ee agagaarkiisa

Related posts

Aadan Madoobe oo shaaciyey Magacyada 39 Xildhibaan oo ku eedeysan..

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo loogu baaqay in uu is casilo 

Cabdi Cade

Guddi xaqiiqo raadin ah oo loo saaray qalalaasihii ka dhacay Baydhabo (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---